Maine Public

Ku biir kooxdaWhatsApp-ka!

Kusoo Dhawoow News Connect

Maanta waa Jimce, 26ta bisha Oktoobar, waxaana halkaan idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu waaweynaa toddobaadka.

Soomaali

Maine Public

Dib u dejinta qaxootiga

Maine waxa ay dib u dejisay ku dhawaad 700 oo qof iyada oo loo marayo barnaamijka ogolaanshaha qaxootiga ee federaalka ee sanadkan. Taasi waa tiradii ugu badnayd ee la diiwaan geliyo muddo toban sano ah. Waddamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan qaxootiga imanaya Maine waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Suuriya, iyo Venezuela. Xafiiska Adeegyada Qaxoontiga Maine ayaa sheegay in tirada sii kordhaysa ay ka tarjumayso kaabayaal dib-u-dejin oo aad u adag, oo ay ku jiraan wakaalado cusub oo qaxoontiga u shaqeeya iyo magaalooyin badan oo aan ahayn Portland oo soo dhoweynaya qaxootiga. Saddexda hay'adood ee dib-u-dejinta ee Maine - Catholic Charities Maine, Maine Imgrant and Refugee Services, iyo Isbahaysiga Bulshada Yuhuuda ee Koonfurta Maine - waxay filayaan inay soo dhaweeyaan in ka badan 900 oo qaxooti ah sanadka soo socda.

 

Diiwaangelinta Kulliyadaha

Guud ahaan Isu Diiwaangelinta kulliyadaha bulshada Maine ayaa gaartay tiro aan horay loo arag dayrtan, iyada oo dhaaftay 20,000 oo arday markii ugu horreysay. Taasi waa korodh 10% ah marka loo eego sanadkii hore. Madaxa kulliyadaha David Daigler ayaa rumaysan in badan oo ka mid ah kobaca barnaamijka inay keentay kullliyadaha bulshada ee bilaashka ah ee gobolka, oo ay bilowday Gudoomiye Janet Mills sanadkii 2022. In ka badan 17,000 oo arday ayaa ka faa'ideystay barnaamijkaas. Daigler wuxuu sheegay in ballaarinta barnaamijyada daryeelka caafimaadka iyo wax soo saarku ay iyaguna qayb ka yihiin korodhka, sido kale iskaashiga ay kulliyaduhu la sameeyaan UMaine si ardaydu ay ugu baddalan karaan ayaa soo jiidatay ardayda raadinaya inay helaan shahaado afar sano ah.

 

Kahortagga ka saarida guryaha

Barnaamijka Tijaabada ah ee Ka-hortagga Ka-saarista Guryaha ee Maine waxa uu toddobaadkan u furmayaa codsadayaasha la habsaansan kiradooda oo halis ugu jira inay waayaan guryahooda. Barnaamijku wuxuu caawin doonaa qoysaska dakhligoodu ka hooseeyo 60% dakhliga dhexdhexaadka ah ee degaanka iyo kuwa bixiya ilaa 125% qiimaha suuqa ee kirada ah. Qoysaska xaqa u leh waxay heli doonaan lacag-bixin hal mar ah si ay ula qabsadaan kiradooda ka dibna waxa kirada laga caawin doonaa muddo sannad ah. Hogaamiyayaasha mashruucan ayaa rajaynaya in ilaa 1000 qoys lagu caawin karo barnaamijka, iyadoo lagu kabayo $18 milyan oo lacagta gobolka ah. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa MaineHousing.org.

 

Helitaanka Internetka

Maine Connectivity ayaa bilaabaysa barnaamij cusub oo ay sheegtay in uu qof kasta oo ku nool Maine u suuro-gelin doono helitaanka internetka. Barnaamijka ayaa iibsan doona qalabka dayax-gacmeedka, taasoo u oggolaanaysa isticmaalayaasha inay internetka ka galaan shabakadda Starlink. Barnaamijka waxaa loogu talagalay in internetka la  gaarsiiyo 9,000 oo guri iyo meherado ku yaal Maine oo aan helin wax adeeg internet ah. Codsiyada barnaamijkani waxay furmi doonaan Noofembar.

Maine Public waxay raadinaysaa ra'yi-celintaada. Si aad u buuxiso xog-ururintayada gaaban, booqo mainepublic.com/newsconnect.

 

Sahan

 

Read more
Maine Public

Barnaamijkan Isku Xirka waxaa suura galiyay taageeradda shaqsiyaad, ganacsi, aas aas ee dhamaan gobolka Maine iyo Coastal Enterprises, Koo & Patricia Yuen, cPort Credit Union, MaineHousing, Maine Health Access Foundation, IDEXX, Hannaford Supermarkets, iyo DHHS Office of MaineCare Services.

Maine Public

To support Maine Public and the News Connect program, please reach out for sponsorship and advertising opportunities. 

Instagram TikTok YouTube Facebook

Copyright © 2025 Maine Public, All rights reserved.

Unsubscribe from this newsletter | Privacy Policy | View in browser

Contact Us: 1-800-884-1717 or [email protected]