Dacwad Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maine Aaron Frey ayaa ku eedeeyay shirkadaha waaweyn ee saliida iyo gaaska in ay si bareer ah u iibiyaan shidaal kaasoo waxyeello u geysta deegaanka. Waxana uu rabaa in ay ka bixiyaan khasaaraha ka soo gaadhay cimilada kululaanaysa ee ay keentay saliiddooda la gubayaa. Cabasho la gudbiyay todobaadkii hore, Frey waxay sheegtay in shirkado ay ka mid yihiin British Petroleum iyo Exxon ay marin habaabiyeen macaamiisha si ay u sii iibiyaan shidaalka waxyeelada leh. Maine waa gobolkii ugu dambeeyay ee ka dacweeya shirkadaha shidaalka maxkamada gobolka, kadib California, Vermont iyo Massachusetts sidaasoo kale u dacweeyeen. Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa diiday isku dayga shirkadaha shidaalka ee ku aadan in kiisaska loo wareejiyo maxkamada federaalka. Qiimaha Korontada Qoysas badan oo Maine ah ayaa la halgamaya bixinta biilasha korontada, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray gobolku. Ilaa 100,000 oo macaamiisha Maine ah oo dakhligoodu yar yahay ayaa 8% dakhligooda ku bixiya koronto, kaasoo ah laba jibaar saamiga loo arko inuu yahay mid la awoodi karo, sida uu qabo golaha kormeeraya qiimaha korontada. Warbixintu waxay ku talinaysaa in loo qoondeeyo Maine $15 milyan oo dakhli cashuureed sannadkii si loo taageero qoysaska dakhligoodu hooseeyo. Goluhu waxa kale oo uu ku talinayaa in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo suuqa bixiyayaasha korontada ee Maine si loo yareeyo qiimaha. Ardayda Ajnabiga ah Diiwaangelinta ardayda ajnabiga ah ayaa kor u kacday 18% sannadkii hore dhammaan kulliyadaha iyo jaamacadaha Maine, taasoo qayb ka ah dib u soo kabashada dalka oo dhan ka dib faafitaankii cudurka COVID19. 1.1 milyan oo arday oo caalami ah ayaa laga diiwaan galiyay Mareykanka sanad dugsiyeedka 2023-2024 taasoo ahayd tiradii ugu badnayd abid. In ka badan 2,007 ka mid ah ardaydaasi waxay wax ku baranayeen Maine. Diiwaangelinta ardayda ajnabiga ah ee Jaamacadda Maine waxay korodhay 25% marka la barbar dhigo 2020. Maamulka jaamacadaha ayaa sheegay in wadamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan ay ka mid yihiin Canada, Ghana iyo India. Warbixinta ayaa sidoo kale ogaatay in ardayda ajnabiga ah ee Maine ay wax ka badan $80 milyan ku biiriyeen dhaqaalaha gobolka. In kasta oo isdiiwaangelintu ay korodhay, Maine weli waxay leedahay mid ka mid ah tirooyinka ugu hooseeya ee ardayda caalamiga ah ee dalka. Beeralayda Cusub Warbixin cusub ayaa ogaatay in Maine ay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee beeralayda cusub ee gobol kasta oo dalka ka mid ah, xitaa iyadoo celceliska da'da beeralayda gobolka ay sii kordheyso. In ka badan saddex meelood meel beeraha ku yaal Maine waxaa maamula dad cusub oo dhowaan bilaabay, taasoo la micno ah inay ka shaqeyeen beeraha in ka yar toban sano. Taasi o la micnaha in Maine ay ku jirto kaalinta saddexaad ee ugu sarreeya dalka. Maine Farmland Trust, oo taageerta beeralayda gobolka, ayaa sheegtay in Maine ay leedahay shabakad adag oo ururo ah oo ka caawinaya beeralayda cusub inay dhul helaan, ay dajiyaan qorshayaal ganacsi, iyo inay helaan maalgelin. Isla markaana, ku dhawaad 40% beeralayda gobolku waa 65 iyo in ka weyn. Maine Farmland Trust iyo kooxaha kale ayaa isku dayaya inay xakameeyaan farqiga u dhexeeya beeralayda da'da ah ee doonaya inay hawlgab noqdaan iyo kuwa cusub ee la doonaya helitaanka dhulka. Maine Public waxay raadinaysaa ra'yi-celintaada. Si aad u buuxiso xog-ururintayada gaaban, booqo mainepublic.com/newsconnect. |