Maine Public

Ku biir kooxdaWhatsApp-ka!

Kusoo Dhawoow News Connect

Maanta waa Jimce, 6ta bisha Sebtembar, waxaana halkaan idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu waaweynaa toddobaadka.

Soomaali

Maine Public

Ka Falcelinta Rabshadaha Qoriga

Booliiska Lewiston ayaa sheegay inay waydiisan doonaan wakaaladaha federaalka tignoolajiyada dheeraadka ah iyo agabka kale ee lagu baadho dambiyada. Waxay sidoo kale waydiisan doonaan golaha magaalada dhaqaale dheeraad ah si ay u kordhiyaan roondada cagta. Talaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada socda ee ay wadaan saraakiisha Lewiston iyo xubnaha bulshada si wax looga qabto kororka rabshadaha hubka. Booliiska ayaa sheegay inay dhaceen 27 dhacdo oo la xiriira qoryaha 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto toogasho lagu dilay wiil 17 jir ah bishii hore. Dadka u ololeeya Arrimahan ee deegaanka ayaa sheegaya in loo baahan yahay in wax badan la sameeyo si loo taageero dhalinyarada halista ugu jirta in ay qaataan rabshadaha qoryuhu. 

 

Codbixiyayaasha Madow

Tobanaan hoggaamiye oo la soo doortay iyo taageereyaal maxalli ah ayaa ku soo ururay Portland usbuucii hore si ay u daahfuraan koox cusub oo ujeedadeedu tahay abaabulida codbixiyayaasha Madow ee musharaxa madaxweynaha Dimuqraadiga Kamala Harris iyo ku xigeenkeeda, Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz. Black Mainers For Harris-Walz waxa ay qorshaynayaan in ay dhexmaraan xaafadaha, oo ay u diraan telefoon codbixiyayaasha asal walba leh si ay u taageeraan musharixiinta doorashada Dimuqraadiga kore iyo kuwa gudahaba. Afhayeenka Baarlamaanka Maine, Rachel Talbot Ross, ayaa gacan ka geysatay abuurista kooxda. Waxay sheegtay inay u furan tahay dadka deggan Maine oo dhan isir walba oo ay yihiin, laakiin ay doonayso inay guri siyaasadeed u abuurto codbixiyayaasha Madow. Talbot Ross waxay sheegtay in mutadawiciinta ay xoogga saari doonaan inta badan degmada labaad ee Maine ee aad loogu tartamayo, halkaas oo lagu tartamayo kursi ka mid ah Aqalka Wakiilada Mareykanka iyo codbixiyeyaasha loo diro guddiga doorashada.

 

Deeq ku Saabsan Dib-u-dejinta

United Way of Southern Maine waxay ka heli doontaa $5.4 milyan dawladda federaalka ah labada sano ee soo socota si ay gacan uga geysato dib u dejinta soogalootiga cusub ee gobolka. Lacagta ayaa wax looga qaban doonaa caqabadaha sida ka haqab-beelka cuntada, guryo la’aanta, gaadiid la'aanta iyo adeegyada caafimaadka. 

Kooxda ayaa sheegtay in ay tahay lacagta ugu badan ee ay heleen dhowrkii sano ee la soo dhaafay si ay ugu taageeraan dib u dejinta soogalootiga. Deeqdan ayaa qayb ka ah in ka badan $340 milyan oo barnaamij federaal ah oo looga golleeyahay in lagu kordhiyo adeegyada dadka soogalootiga ah maadaama inta ay sugayaan maxkamadda socdaalka.

 

Warbixinta Shaqada

Warbixin cusub oo ka soo baxday Waaxda Shaqada ee Maine ayaa ka ahdashay tobannaan sano oo isbeddel ah oo ku yimid shaqaalaha gobolka, iyo sida isbeddelladaas ay u saameeyeen dhaqaalaha. Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ee la arkay ay tahay xiriirka dhow ee ka dhexeeya kororka dadweynaha iyo kobaca shaqada, taas oo qayb ahaan sharraxaysa hoos u dhaca gobolka ee koboca dhaqaalaha ka dib markii ay dhalmadu hoos u dhacday. Warbixintu waxa kale oo ay muujinaysaa ka guuritaanka gobolka ee wax-soo-saarka, ee uu guuray dhaqaale ku salaysan daryeelka caafimaadka, kaalmada bulshada iyo adeegyada ganacsiga, taas oo la mid ah isbeddelka dalka oo dhan ku yimid. 

 

 

Read more
Maine Public

Barnaamijkan Isku Xirka waxaa suura galiyay taageeradda shaqsiyaad, ganacsi, aas aas ee dhamaan gobolka Maine iyo Coastal Enterprises, Koo & Patricia Yuen, cPort Credit Union, MaineHousing, Maine Health Access Foundation, IDEXX, Hannaford Supermarkets, iyo DHHS Office of MaineCare Services.

Maine Public

To support Maine Public and the News Connect program, please reach out for sponsorship and advertising opportunities. 

Instagram TikTok YouTube Facebook

Copyright © 2025 Maine Public, All rights reserved.

Unsubscribe | Privacy Policy | View in browser

Contact Us: 1-800-884-1717 or [email protected]